DAAWO VIDEO:- Caasho Axmed Cabdala oo Kashiftay sirtii ugu cuslayd Weerartayna Nicholas Key iyo

DAAWO VIDEO:- Caasho Axmed Cabdala oo Kashiftay sirtii ugu cuslayd Weerartayna Nicholas Key iyo

daajis.com:-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka  waxaa  shir Xasasi ah ku yeeshay qaar ka mid ah xildhibaannadii hore ee KMG ah iyagoona ka hadlay arrimo badan, Laguna Dhisay Xisbi Cusub.

Dadka goobta ka hadlay waxaa ka mid ah Caasho Axmed Cabdalla, waxa ay sheegtay in wasiirka amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed uu jahwareer iyo khas uu ka dhex wado hey’addaha dowladda, waxanaa baarlamaanka Soomaaliya ka codsatay in marka uu furmo shirkooda dhawaan in mooshin ka keenaan si xilka looga qaado maadama uu ku fashilmay ammaanka caasimada sidda ay tiri.

Waxa ay ayaan daro ku tilmaamtay in madaxweynaha Soomaaliya oo la isku dayay in isagoo nool la soo qabto ama la dilo markii Al-Shabaab ay dharaar cad weerartay aqalka madaxtooyada in la dhaho wasiirka iyo hey’addaha ammaanka la dhaho soo baara sidda ay wax u dhaceen.

Halkaan Riix Ka Daawo Muuqaalka.


Waxa ay sheegtay Caasho Axmed Cabdalle in madaxweynaha uu ku qaldan yahay wasiir, taliyaha booliska iyo talyaha nabad-suguda oo fashilmay in la dhaho soo bara weerarkii Villa Somalia.

Caasho Axmed Cabdelle ayaa eedeen u jeediyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Key, iyadoo tilmaamtay in muddo sannad ah ay raadineysay siddii ay ula kulmi lahayd iyada mas’uuliyiinta xisbi ay madax u tahay.

“Nicholas Key ma wuxuu matalaa Soomaaliya oo dhan mise shakhsiyaad gaar, wuxuu ka bixi la’yahay safar uu ku kala tago, Puntland, Jubland, Baay iyo Muqdisho, ha ogaado Soomaaliya in aaney noqon doonin in loo qaybiyo sidda Imaarado yeryer oo ay maamulaan qabaa’iilo” ayey tiri.

Waxa ay sheegtay oo kale in mardambe Soomaaliya aaney ka talin doonin urur diimeed ama cid xiriir la leh sidda ay hadlaka u dhigtay.

Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in hadal uu dhawaan sheegay askari reer Burundi ah oo ku laabtay dalkiisa in ay sax tahay oo dhab kama ahan AMISOM in Soomaaliya ay nabad ka dhalato oo ma joogi lahayn lix sanno”ayey tiri.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada