Baaq loo diray Shacbkii ka Barakacay Degmada Buulabarde iyo Xaalada oo Saaka

Baaq loo diray Shacbkii ka Barakacay Degmada Buulabarde iyo Xaalada oo Saaka

daajis.com:-Shalay ayey aheeyd markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan,oo mudo ay ka talin jireen Maleeshiyada kooxda Al-shabaab.

Waxaana Degmada Dadkii ugu badnaa ay iskaga Carareen kadib markii kooxda Al-shabaab ay ku amreen in aan Degmada lagu harin, hadii ay ka baxaan Al-shabaab.

Gaanshaanle sare C/laahi Bare oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Buulabarde ayaa ugu baaqay Shacabkii Degmada ka Barakacay in ay Dib Degmada ugu soo laabtaan.




C/laahi Bare ayaa sheegay in Dadka loo baahan yahay in ay Dib ugu soo laabtay Degmada oo Dowladda Soomaaliya ay gacnsiiyaan si Shabaab guulo looga gaaro.

Dhanka kale Gaanshaanle  sare C/laahi Bare ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin Deegaanada Maxaas iyo Jalalaqsi oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.





Waxaana Saaka Degan Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan,aydoona Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ay wadaan Baaritaano Xoogan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada