Deg Deg:- IFTIIN BAASTO oo Sheegay inay Gacanta ku dhigeen kooxdihii Dilay Nabadoon…

Deg Deg:- IFTIIN BAASTO oo Sheegay inay Gacanta ku dhigeen kooxdihii Dilay Nabadoon…

daajis.com:-Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah ragga mucaaradka ku ah Axmed Madoobe, dhawaanna tagay Kismaayo ayaa goordhow sheegay in la qabtay dadkii dilay Nabaddoon caan ka ahaa magaaladaas oo caawa maqribkii la dilay.

Isagoo u warramayay Idaacad Maxali ah oo lagu magacaabo Goobjoog, ayuu sheegay in labadii nin ee dilay nabaddoon Maxamed Xuseen Xaafow gacanta lagu soo dhigay oo ay hadda ku xiran yihiin saldhigga magaalada.

Waxaa la weydiiyay sidda ay ku xaqiijin karaan labada nin ee la qabtay in ay ahaayeen raggii dilay nabaddoonka, wuxuu sheegay in dadkii joogay goobta lagu dilay ay sheegen labada nin oo ku dhuumanayay gurri ku yaalla magaalada Kismaayo, isla markaana ay soo qabteen ciidamada ammaanka.

Mar la weydiiyay aqoonta uu lahaa nabaddoonka wuxuu tilmaamay in uu nabbaddoonkiisa oo ay isku cid ahaayeen, isagoona intaas ku daray in uu kamid ahaa dadkii soo xajiyay xajkii ugu dambeeyay.

Waxa la weydiiyay oo kale sidda uu arko dilka naddoonka, wuxuu xusay in nabaddoonka ay dileen Al-Shabaab maadama ay dhowr jeer u hanjabeen sidida uu yiri.

Ugu dambeyn Iftiin Xasan Baasto ayaa la weydiiyay wax yaabaha uu u joogo Kismaayo, wuxuu caddeeyay in magaalada ay u joogaan siddii loo heshiisiin lahaa beelaha degga gobalada Jubbooyinka loona ballaarin lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada