Top News:- Shirka G8 oo Ruushka laga saaray

Top News:- Shirka G8 oo Ruushka laga saaray

daajis.com:-G8 ayaa meesha ka baxday, kaddib kulan si ula kac ah looga saaray waddanka Ruushka, iyadooa toddobada xubnood ee kale - oo uu hogaaminayo Madaxweyne Obama ay xaqiijiyeen in aanay ka qeyb gali doonin shirka G8 ee sanadkan ee lagu waday in uu guddoomiyo Madaxweyne Putin ee ka dhici lahaa magaalada Sochi.

Taa badalkeedna waxa ay G7 bisha Juun ku kulmi doonaan magaalada Brussels.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Britain, William Hague, ayaa sheegay in ay howsha ku socon doonto sidii loo diyaarin lahaa cunaqabateeno xooggan haddii Ruushka uu kordhiyo falalka uu ka geysanayo gudaha Ukraine.

Ruushka ayaa ku gacansayray in laga saaro kooxda G8, iyadoo ay waqti adag ku qaadatay Ruushka in uu ku biiro kooxdaasi sagaashameeyadii markaa oo la aqoonsaday heerka dalkaasi ee sii kordhaayay ee ah in uu yahay awood weyn kaddib markii ay burburtay boqortooyadii Midowgii Soofiyeeti.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushka aanay musiibo weyn u aheyn in laga saaro G8.

Laakiin hogaamiyayaasha G7 ayaa ku qeexay bayaan wadajir ah oo ay soo saareen in qaab diblomaasiyadeed lagu xaliyo xaalada ay weli furan tahay.

Waxay ugu baaqeen Ruushka in ay bilaabaan wadahadal ay la yeeshaan dowladda Ukraine - taasina Moscow waa ay sameysay.
Sergei Lavrov ayaa waxa uu kula kulmay dhigiisa Ukraine magaalada The Hague halkaa oo uu ka socdo shirka G7.
Taasina waxa ay meesha ka saartay diidmadii ay Moscow diidaneyd in ay wadahadal toos ah la yeelato dowladda ku meel gaarka ah ee Kiev.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada