Al-Shabaab oo sheegay inay gooyeen jidadkii sahayda u marayay Qoryooley

Al-Shabaab oo sheegay inay gooyeen jidadkii sahayda u marayay Qoryooley

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa sheegtay inay jartay jidadkii soo galayay degmada Qoryooley oo maalmo ka hor laga qabsaday, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee ku sugan degmadaas ay wali wajahayaan weeraro.

Gudoomiyaha Shabaabka u qaabilsan Shabeelaha Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa sheegay inay jareen dhamaan wadooyinkii sahayda u soo mari lahaa ciidamada qabsaday Qoryooley.

Abuu Cabdala ayaa sheegay in qeybo ka mid ah Qoryooley ay ku sugan yihiin, isla markaana dagaalo adag ay qasaare ku gaarsiiyeen ciidamada ku soo duulay sida uu yiri.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa iska caabin adag kala kulmaya Al-Shabaab, waxaana tani u muuqataa mid ka duwan meelihii ay la wareegayeen bishan gudaheed oo aanay iska caabin kala kulmi jirin.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Siidii ayaa sheegay in aanay arag dagaal la mid ah kan ay ku galeen Qoryooley, intii Al-Shabaab kala wareegayeen deegaanada, isagoo xusay in Xamar ay ugu dambeysay dagaal ceykan oo kale ah Al-Shabaab kala hor-yimaadeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Shacab fara badan ayaa wali ka barakacay degmada Qoryooley, iyadoo ciidamada huwanta ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha, waxaana saraakiisha ay sheegeen in wali ay xaqiijinayaan ammaanka degmada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada