Prof. Samatar “Aqoonsi u raadinta Somaliland, $10 milyan haloo qoondeeyo”

Prof. Samatar “Aqoonsi u raadinta Somaliland, $10 milyan haloo qoondeeyo”

daajis.com:-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegey in laga gun gaari karo aqoonsi raadinta Somaliland, adduunkana laga gadi karo qadiyadda Somaliland iyo sababaha ay u dooneyso in ay kaga goosato Soomaaliya.



Waxa uu sheegey in ay tahay in waddo cusub loo maro aqoonsi raadinta, loona qoondeeyo miisaaniyad aan ka yarayn $10 malyuun oo doolar, iyo rag aqoon, karti iyo galaangal u leh beesha caalamka. Ma uusan sheegin in raggaasi uu isagu ka mid noqonayo.

Wuxuu dad badan kula hadlayay magaalada Ottawa ee dalka Canada halkaasi oo ay isugu yimaadeen jaaliyadda Somaliland ee Canada.

Samatar oo markii hore waafaqsanaa Soomaaliweyn ayaa u leexdey fikradda gooni isu taagga Somaliland kadib markii loo dooran waayay madaxweynenimada Soomaaliya doorashooyin dhacay bishii Agoosto, 2012-kii, isagoo ka cawday in qaab qabiil lagu riixey isaga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada