Nicholas Kay oo walaac ka muujiyay dagaal ka dhex dhaca Somaliland iyo Puntland

Nicholas Kay oo walaac ka muujiyay dagaal ka dhex dhaca Somaliland iyo Puntland

daajis.com:-Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa walaac xoogan ka muujiyay xiisadaha u dhaxeeya Maamulada Somaliland iyo Puntland ee ku saabsan loolanka xaga Maamulka Gobolada Sool iyo Sanaag.

Nicholas Kay oo ka hadlayay Kulan Golaha amniga iyo nabadgelyada Midowga Afrika uga socdo magaalada Addis Ababa ayaa soo hadal qaaday dhaq dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac wadaan iyo hadalada kulul ee ay warbaahinta isu marinayaan.

"Waxaan wal wal weyn ka qabnaa dhinaca gobolada waqooyi ee Soomaaliya, halkaasoo ay ka jiraan xiisado iyo dhaq dhaqaaq ciidan ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland, waxaan ugu baaqayaa madaxda labada maamul inay xaalada dejiyaan oo wax walba wada hadal lagu dhameeyo"ayuu yiri Nicholas Kay.

Mr Kay ayaa labada dhinac uga digay dagaal ka dhex qarxa, isagoo taa bedelkeed madaxda labada maamul ugu baaqay inay qaataan tallaabooyin kasta oo looga baaqsan karo dagaal, sida lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Amb. Kay ee Muqdisho.

Xiisadaha u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay soo xoogeysanayay, markii Madaxweyne Siilaan uu booqasho ku tagay deegaanada lagu muransan yahay ee ay isku heystaan Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan booqashadii degmada Laas-Qoray.

Ciidamo fara badan oo Somaliland ayaa soo buux dhaafiyay Gobolka Sanaag, iyadoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan, waxaana Puntland ay isu diyaarineysa dagaal ay ku qaado Somaliland.

Somaliland ayaa Puntland ka qabsatay sanadkii 2007-dii bartamaheeda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo deegaano kale, xilligii Puntland uu madaxda ka ahaa Jen. Cadde Muuse, waxaana dhowr jeer labada dhinac dhex maray dagaalo qaraar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada