Kenya oo dowladda Soomaaliya weeydiisatay in ay soo xirto rag la tuhunsanyahay

Kenya oo dowladda Soomaaliya weeydiisatay in ay soo xirto rag la tuhunsanyahay

daajis.com:- Markii ugu horeysey dowladda Kenya waxa ay dowladda Soomaaliya u gudbisey liisti ay ku qoranyihiin magacyo dad loo raadinayo falal argagixiso oo Kenya ka dhacay.

Waxaa loo heystaa fal la fashiliyey oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu qarxin lahaa Mombasa, iyadoo falkaasi loo xirey labbo nin oo Soomaali ah, kuwaasi oo laga heley xogta ragga kale ee falka la maleegayay oo iyagu ku sugan Soomaaliya.

Waxaa la aaminsanyahay in ragga liiskooda la gudbiyey ay yihiin kuwa degen ama ku sugan meelaha ay dowladda Soomaaliya ku xoog badantahay, gaar ahaan caasimadda, yihiin rag lasoo xiri karo.

Lama oga in dowladda Soomaaliya haddii ay raggaasi qabato ay ku wareejineyso Kenya ama ay maxkamadaha Soomaaliya ku xukumeyso, waxayna tani imaanaysaa xili labada dal uusan ka dhaxaynin heshiis in ay isku waraajiyaan ama isweeydaarsadaan dad la tuhunsanyahay (extradition), iyada oo ay xusid mudantahay in ragga la raadinayo ay yihiin muwaadhiniin Soomaali ah kuwaasi oo ay tahay in la mariyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Laakiin maadaamaa dowladda Soomaaliya ay muwaadhiniin Soomaali ah gacanta u galiso wadamo shisheeye sida Maraykanka, Ingiriiska iyo Ethiopia ayaysan jirin wax diidaya in Kenyana loo dhiibo dad Soomaali ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada