daajis.com:-Xaalad kacsanaan ah iyo xiisado siyaasadeed ayaa wali ka jira magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo maalintii saddexaad ay ka dhaceen banaan bax rabshado wata oo looga soo horjeedo Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Sida ay sheegayaan wararka banaan baxa maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay wiil 16-jir ahaa oo ka mid ahaa dadkii dibad baxa ka qeyb qaadanayay, iyadoo mid ka mid ah ilaalada guri ay xoog ku galeen dibad baxayaashu rasaas lagu kala eryay uu ku dhaawacmay wiilkaas.
Dhaawaca wiilka dhalinyarada ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baydhabo, iyadoo xaaladiisa ay liidato, sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno magaalada.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dibad baxayaasha ay galeen guri uu degenaa siyaasi ka mid ahaa Ururkii RRA-da oo ay uga shakiyeen inuu ku jiro Shariif Xasan, waxaana ka sokow dibad baxyadan ka socda magaalada kulamo siyaasadeedyo iska soo horjeeda.
Kulamadan ayaa waxaa leh dhinacyada iska soo horjeeda ee wada maamulada lixda gobol iyo saddexda gobol, waxaana laga cabsi qabaa iska hor imaadyo dhex mara labada dhinac ee xiisadaha siyaasadeed ka dhex taagan.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa ugu baaqay dhinacyada xiisada u dhaxeysa in khilaafkooda wada hadal ku dhameeyaan, isagoo ka digay falal qal qal ku ah amniga inay dhacaan.
Xubnaha uu horkacayo Shariif Xasan oo ay amaankooda la wareegeen Ciidamada AMISOM ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda inay dhisaan Maamul goboleedka saddexda gobol, kaasoo lidi ku ah Maamulka lixda Gobol ee todobaadyo ka hor looga dhawaaqay Baydhabo.
Dadka odorasa arrimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisadaha ka taagan Baydhabo ay keeni karaan isku dhacyo dhiig ku daata oo la mid ah kii ka dhacay Kismaayo sanadkii hore, markii dhinacyo isku hayay maamulka magaalada uu dagaal dhex maray.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 23:20 and have

.jpg)
