Dowladda Jarmalka oo ciidamo u direysa Soomaaliya

Dowladda Jarmalka oo ciidamo u direysa Soomaaliya

daajis.com:-Xukuumadda ay hogaamiso Angela Merkel ayaa ku dhawaaqday in ay u direyso dalka Soomaaliya ciidamo gaaraya 20 kuwaas oo qeyb ka noqonaya ciidamada Midowga Yurub ka jooga Soomaaliya kuwaas oo qaabilsan tababarka ciidamada Soomaaliya.

Saraakiisha iyo ciidamada Midowga Yurub ayaa Soomaaliya u wareegay bishii Desember ee sanadkii tagay kadin markii sanadkii 2010-ka lagu aas-aasay dalkaasi Uganda.


Warkan kasoo yeeray dowladda Jarmalka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka xukuumadda Steffen Seibert, wuxuuna intaa raaciyay in go`aankan uu dhawaan marayo baarlamaanka ayna rajeynayaan in la ansixiyo.


Dowladda Jarmalka ayaa ka mid ah wadamada ugu quwadaha waaweyn ee ka tirdan daladda Midowga Yurub.


 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada