Dowladda Kenya oo xireysa Masaajiddo ku yaala Islii, Nairobi "Sebabtu maxey tahay?

Dowladda Kenya oo xireysa Masaajiddo ku yaala Islii, Nairobi "Sebabtu maxey tahay?

daajis.com:-Dowladda Kenya waxa ay sheegtey in ay albaabada isugu dhufanayso masaajiddo ku yaala xaafadda Islii ee Soomaalida, kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay taageeraan kooxaha Alshabaab ee qaraxyadda ka wada Kenya.

Hadalkani ayaa waxaa laga soo xigtey madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto oo maanta isaga iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay aqalka madaxtooyadda ku qaabileen madaxda Soomaalida Kenya iyo guddiga ganacsatada Islii, halkaasi oo lagu kala saxiixday heshiis ah in Soomaalida ay la shaqayso dowladda Kenya si looga hortago kooxaha qaraxyadda wadda.

William Ruto ayaa yiri “Haddii ay dantu kalifto in aan xirno masaajido, si aan ammaankeena u sugno, sidaasba ha iska noqoto“.

Kulanka ayaa waxaa aad loogu soo hadalqaaday masaajido looga fadwoodo Alshabaab, islamarkaasina dhaqaale loogu uruuriyo, iyadoo wadaado caan ah ay cajalado iyo muxaadarooyin si qayaxan ugu taageeraan Alshabaab iyo ficilada ay waddo.

Guddi amaanka qaabilsan oo ay ganacsatada Islii soo xulayaan ayaa dowladda Kenya kala talinaya talaabada la qaadayo, tilmaamaya masaajidada laga taageero Shabaabka, ganacsiyadda maalgaliya iyo shaqsiyaadba gabbaadka siiya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada