Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan adag maanta ku leh xarunta golaha shacabka iyo ammaanka oo la adkeeyay

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulan adag maanta ku leh xarunta golaha shacabka iyo ammaanka oo la adkeeyay

daajis.com:-Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelan doona Xarunta golaha shacabka iyo ciidamo badan oo wadooyinka lasoo dhoobay.

Mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa  maanta  kulan adag ku leh xarunta golaha Baarlamaanka, kaas oo la filaayo in ay ka doodan waxyaabo badan oo muhiim ah.

Arrimaha ugu weyn ee qorsha hoowleedka maanta  ay mudanayaasha falanqeyn doonaan waxaa ka mid ah  miisaaniyadda sanadka 2014 oo dhowaan ay xukuumadda federaalka Soomaaliya soo gudbisay.

Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya  Xuseen Cabdi Xalane ayaa la filayaa maanta in uu hor tago xildhibaanada si  ay su'aalo ugu weydiiyaan miisaaniyadda ay soo bandhigtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiir Xalane,waxuu baarlamaanka ka horjeedin doonaa khudbad uu uga hadlayo qorshaha sanadkan ee wasaaradiisa iyo miisaaniyad sanadeedka 2014.


Si loo xaqiijiyo ammaanka waxaa maanta xiran wadoonyinka soo gala Baarlamaanka sida wadada weyn oo hor marta xarunta  baarlamaanka Soomaaliya iyada oo ciidamo badanna lagu arkayo wadooyinka.

Fadhiga maanta u furmaya baarlamaanka waxaa uu ka dhigayaa kii labaad tan iyo intii toddobaadkii hore uu si rasmi u furmay kalfadhigii afaraad ee Baarlamaanka kadib bilooyin fasax ah oo ay ku maqnaayeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada