Sacad Qadaafi :- Wiilka Qadaafi oo codsaday cafis iyo musaamax

Sacad Qadaafi :- Wiilka Qadaafi oo codsaday cafis iyo musaamax

daajis.com:-Wiilka uu dhalay hogaamiyihii la diley ee dalka Liibiya Mucamar Qadaafi oo isagu lagu magacaabo Sacad Qadaafi ayaa filim xabsiga looga soo duubey ku dalbaday in dadka reer Liibiya ay cafiyaan.

Muuqaalkani oo laga baahiyey taleefishinka qarabka liibiya ayuu ku sheegey in uu mas’uul ka ahaa ficilo xasilooni dari u keeney dalka Liibiya.

Filimka ayaa waxaa soo duubey askar gaalshiraha uu ku xiranyahay, waxayna tani timid kadib markii la baahiyey warar sheegayay in xabsiga lagu jirdiley Sacad, taasi oo la doonayay in la beeniyo.

Wuxuu sheegey in uu caafimaad qabo, islamarkaasina aysan heysanin wax dhib ah.

Dhawaan ayaa laga soo xirey dalka Niger oo uu muddo ku dhuumanayay tan iyo intii aabihiis la diley.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada