Dowladda Turkiga ayaa xayiraad saartay isticmaalka YouTube

Dowladda Turkiga ayaa xayiraad saartay isticmaalka YouTube

daajis.com:-Dowladda Turkiga ayaa xayiraad saartay isticmaalka barta internetka ee laga daawado muuqaalada ee YouTube, maalin un kaddib markii ay maxkamad amartay hakinta xayiraadda la saaray Twitter-ka, xayiraadaas oo uu Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan uu taageerayay.

Maamulka shirkadda isgaarsiinta ee (TIB) ayaa sheegay in ay mar hore qaaday "tallaabo maareyn ah" oo ka dhan ah bartaasi internetka, hasayeeshee warbixin kale ayaa tilmaamaysa in wadahadalo ay socdaan.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala internetka ayaa ogaaday in barta la xiray halka qaar kalana ay weli isticmaali karaan bartaasi.
Goor hore, wax u muuqatay cod laga duubay saraakiil Turkey ah oo ka wada hadlaya arrinta Suuriya ayaa kasoo muuqday barta YouTube.
Arrintaana waxa ay la xiriirtay dood ku saabsan suuragalnimada howlgalo militari oo laga fuliyo gudaha waddanka Suuriya, doodaas oo u muuqatay in ay ka qeyb galeen madaxa sirdoonka Turkiga, wasiirka arrimaha dibada iyo ku xigeenka madaxa ciidammada qalabka sida.
Wakaaladda wararka ee Reuters, oo baartay codka la duubay, ayaa sheegtay in aanay caddeyn karin in duubitaanka uu dhab yahay, hasayeeshee waxa ay u muuqataa in ay tahay dusintii ugu waxyeelleynta badneyd ee ilaa iyo hadda u muuqato in la maareeyay in laga duubo shir xasaasi ah oo qarsoodi ah oo heer sare ah.
Mr Erdogan, oo wajahaya maalinta Axada ah doorashooyinka dawladaha hoose ee muhiimka ah, ayaa ku eedeeyay baraha bulshada ay isticmaasho in lagu faafinayo warar been ah, wuxuuna goor hore soo jeediyay in la dhaqan galiyo xayiraado lagu soo rogo YouTube iyo Facebook.

Dusin aad u daran

Bayaan ay soo saartay shirkadda TIB ayey ku sheegtay: "Kaddib falanqeyn farsamo iyo tixgelin dhanka sharciga ah... tallaabo lagu maareeyay bartan internetka ayaa la qaaday."
Iyada oo warbixino iskhilaafsan ay ka soo baxayaan xannibaadda, ayaa barta wax lagu baaro ee Google, ahna shirkadda leh YouTube, ayaa xaqiijisay in qaar ka mid ah dadka isticmaala internetka ee dalka Turkiga ay awoodi waayeen in ay galaan barta YouTube-ka.
"Ma ay jirto arrin farsamo oo la xiriirta barteena, waanuna eegaynaa xaaladda," ayuu ku sheegay afhayeenka shirkadda Google bayaan ay gaarsiiyeen Reuters.

 Kalmada #youtubeblockedinturkey ayaa waxa ay si weyn u dhex socotay barta Twitterka dunida oo dhan.
Isu soo bax ka dhacay khamiistii magaalada koonfur bari ku taalla ee Diyarbakir, ayaa Mr Erdogan waxa uu u muuqday inuu xaqiijinayo in codadkii ugu dambeeyay ay dhab ahaayeen.
"Xitaa waxa ay dusiyeen shir ammaanka qaranka looga hadlayay" ayuu yiri. "Tani waa arrin aad u daran, tani waa daacad darro... Yaad u adeegaysaa oo aad u duubaysaa cod qarsoodi ah weliba kulan muhiim ah oo midkaa oo kale ah?"
Arbacadii, maxkamad ku taal caasimadda, Ankara, ayaa ku amartay shirkadda isgaarsiinta ee TIB in ay qaado xayiraaddii ay saartay barta Twitter-ka, hasayeeshee waxa laga yaabaa in ay qaadato todobaadyo ka hor inta inta aan amarkaas la fulin.
Shirkadda Twitter laf ahaanteeda ayaa waxa ay gudbisay dacwad ay ku diidan tahay xayiraadda lagu soo rogay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada