IGAD:- oo Kampala ugu soo xermay shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha+Sawirro

IGAD:- oo Kampala ugu soo xermay shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha+Sawirro

daajis.com:-Kulankii labaad ee shirka dalalka IGAD ee ka hortagga abaaraha ayaa galabta ku soo gaba gaboobay magaalada Kampala ee xarunta Uganda waxaana shirkani uu soconayay intii u dhaxeysay 24-27 bishan March. 

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madaxweyneyaasha iyo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD, ayaa waxaa shir guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Desalegn, iyadoo sidoo kalena shirkan uu martigeliyay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Musevini.

Ajandayaasha ugu waa weyn ee looga doodayay shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa abaaraha iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka iyo deegaanka iyo sidii loo abuuri fursado ay dadka ku nool degaanada baadiyaha ah ku heli karaan biyo, iyo baad xilliyada la waayo roobabka sanadka, taasoo ay ku dhintaan, kuna barakacaan dadweynaha reer guuraaga ah.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa dawladdaha deeqaha bixiya iyo hay'addaha gargaarka ee Qaramada Miidoobay iyo sidoo kale hay'addaha NGO-yada, waxaana gabagabadii kulankan laga soo saaray qodobo loogu gogol xaarayo sidii dalalka IGAD ay isaga kaashan lahaayeen abuurista mashaariic horumarineed oo loo abuurayo bulshooyinka ku dhaqan dalalka IGAD.
Dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa ka saacidaya Bankiga adduunka iyo Qaramada Midoobey, waxaana shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka Soomaaliya iyo South Sudan oo wejiga koowaad ee maalgelintan ka faa'iideysan doona.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay shirkan waxa uuna ku sheegay in abaaruhu ay yihiin dabiici ka dhasha roobabka oo baaqda iyo dagaalada, balse la abuuri karo qorsheyaal horumarineed oo looga gaashaamanayo abaaraha. isaga oo dhanka kale xusay in marka ay abaaruhu ku dhuftaan qeybo ka mid ah dalalka IGAD loo baahan yahay jawaab deg deg ah iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan dawladdaha IGAD.

"Dawladda IGAD iyo bulshada waa inay si micno leh ugu baraarugaan dhibaatada abaaraha iyo natiijada ka dhalata, waana inaan si adag ugu howlgano sidii aan u sameyn laheyn horumarin dhaqaale, bulsho, nabad iyo xasilooni" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii looga saari lahaa degaanada tirada yar ee ay weli ku harsan yihiin kooxaha Al shabaab, kadibna loo xasilin lahaa, si ay u suurtagasho in gurmad iyo horumarinba loo sameeyo dadka ku nool dhamaamba gobolada dalka.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada