Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa Yari Aftida Crimea waa sharci darro

Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa Yari Aftida Crimea waa sharci darro

daajis.com:-Golaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa u codeeyay qaraar qeexaya in ay sharci darro aheyd aftidii uu Ruushka taageeray ee laga qabtay Gobolka Crimea ee waddanka Ukraine.

Qaraarku waxa uu sidoo kale taageeraya madaxbanaanida dhulka ay maamusho Ukraine.
Boqol waddan ayaa u codeeyay qaraarka, 11 kalana waa ay diideen iyadoo ay goobta ka maqnayeen wakiilada 58 dal oo kale.
Qaraarkan ma aha mid sharciyan wax badeli kara ama awood leh balse taageerayaasha Ukraine ee reer galbeedka ayaa rajeynaya in uu sii xoojin doono go’doominta dhinaca diblumaasiyada ee Ruushka.
Safiirka Midowga Yurub u jooga Qarama Midooday, Thomas Harr-Harting, ayaa sheegay in ay tahay in aanan awood la adeegsan si loo badelo xuduudaha wadammada.
Inta aanan codka loo qaadin qaraarkaas, ayaa safiirka Ruushka u fadhiaya Qaramada Midoobay, Vitaly Churkin, ayaa ka codsaday gollahu in uu ixtiraamo natiijada aftida laga qaaday Cremia oo inta badan dadka degan ay ka soo jeedaan Ruushka kuwaas oo taageeray aftida una codeeyay in ay ku biiraan Ruushka.
Dhinaca Kale Ukraine ayaa sheegtay in ay rajaynayso in qaraarkaas Qaramada Midoobay uu hor istaagi doono in Ruushka uu ku sii xadgudbo dhulkeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada