Fiiro Gaar ah:- Haku oran ruux aan wali guursan gabar iyo wiil ereyadaan aad ayee u neceb yihiin

Fiiro Gaar ah:- Haku oran ruux aan wali guursan gabar iyo wiil ereyadaan aad ayee u neceb yihiin

daajis.com:-Calafka waa asraarta Allah, xiliga uu qof calfan doono ruux kale waa waqti qoran aan laga hormari karin sida ay geerida u qorantahay oo kale, ruuxa inta uusan guursan waxaa jiro wax yaabo badan uu aad u dhibsado taas oo marka danbe sababta in ay uu neceeb ama cuqdad u qaado ruuxa uu kala kulmo wax yaabahaas, shabakada allbanaadir.com waxay idiin soo gudbineesaa wax yaabaha aad uga xanaajiya ruuxa aan wali guursan ha ahaado wiil aan wali guursan ama gabar, warbixintaan waxaa qalinka uqaatay qoraa sare Daalac Daahir Shoot.

1. Maxaa wali u guursan ladahay

Midkeen laga yabee in uu u arko suaashaas wax iska caadi ah balsa ruuxa aan guursan wali waxay u tahay suaal laabtiisa hurisa mana jecla ruuxa aan wali guursan in la waydiiyo suaashash oo kale, jawaabta ugu dhow aad ka filan karto ayaa ah jawaab ku dareensiin karta in ay ku jirto caro taas ah oo ah “hool adiga kuu taalo ma ahan xiliga aan guursan doono” halka qofka waayo arag ah ee qarsan kara caradiisa kuugu jawaabo “waqtiga ayaa wali iska dhiman” sida saxda ah ma jecla in la waydiiyo ama marar badan lagu soo celcelsho suaashaas.

2. Dabeecad aad wax ku shukaansato malihid miyaa

Gabar iyo wiil waa kuwa u hanqal taagaya guur, hadii aan nahay bini aadam waxaan jeclnahay in wax kasta dhaqsi aan ku gaarno intaasna waxaa inoo sii dheer in aan Soomaali nahay aan jecelnahay wax kasta deg deg ku dhameesano mana lihin dulqaad sugasho “process”, suaasha aan kor ku soo xusnay aad ayee u dhaawaceesaa ruuxa, wuxuuna isku qaadan karaa ruux dabeecad xun aan umadda wax la wadaagi karin, wuxuuna kuu qaadan karaa in aa tahay ruux ka aaminsan fikir qaldan.

3. Adiga oo guursan waxaa ka baqayaa in aad dhimato

Qofkasta ee naga mid ah wuu jecel yahay in uu ifka uga tago ubad si uu magaciisa usii waaro, ruuxa iskaabulada ah suaashaan waxay u keentaa walwal aad u balaaran isaga isku qaata ruux aan la imaan karin lamaane uu nolosha la wadaago, waxayna galisaa cuqdad ah in ay dadka ku dhaheen waxaan ka baqeynaa in aad dhimato adiga oo waxba dhalin ama aadan guursan.

4. Hadii aad sidaan ku sii socoto waan kuu guurin doonaa

Way dhibee ruuxa in lagu yiraahdo raginimadaada wax waad ku keesan wayday markaan reerka ayaa kuu doonaya gabar waxaad noqotay ruux ka daahay guurka, hadaba ninka ragga ah ma jecli in sidaan lagu yiraahdo, waxaadna ka dareemi kartaa jawaabaha uu bixin karo.

5. Facaa waa kuwaas caruur dhalay

Haku dhihin ruuxa aan wali guursan “dadka kuugu faca ah way guursadeen ubadna Allah wuu siiyay” inkastoo ay tahay hadal dhiiri galin ah ruuxa lagu baraarujinayo in uu waqtiga socdo balsa ruuxa aan wali guursan laabtiisa way dhibeesaa in uu maqlo wax yaabahaas.

intaas oo suaalo uu kor kusoo xusay qoraaga Daalac Daahir Shoot waa qeyb kamid ah suaalaha ay ugu neceb yihiin dadka aan wali guursan in lagu dhaho, markastane aan ku baraarugsanaano in uu jiro calaf kaas oo leh waqti uu Rabbi qoray aan laga hor dhici karin

W/Q: Daalac Daahir Shoot

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada