Daawo Sawirada:- Ciidamada Itoobiya oo fariisimo ka sameystay Dhuusa-mareeb

Daawo Sawirada:- Ciidamada Itoobiya oo fariisimo ka sameystay Dhuusa-mareeb

daajis.com:-Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa maanta Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan ku biiray Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM fariisamo milateri ka sameysteen.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa waxay kulamo la qaateen maamulka degmada iyo saraakiisha Ahlusunna ee ka taliya qeybo ka tirsan Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb, Macallin C/raxmaan Cali (Geedo-qorow) Saxaafadda u sheegay in ciidanka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ay saldhigyo ka sameysanteen gudaha iyo daafaha magaalada “Ciidamada Itoobiya waxaan ka dalbanay inay naga caawiyaan sidi dagaalka aan kula jirno kooxda Al-Shabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah gobolka Galguduud looga saari lahaa” ayuu yiri Macallin Geedo-qorow.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa isku fidiyay gobolka Galgaduud, iyadoo deegaano dhowr ah ay saldhigteen, iyadoo tallaabadan tan xigta ay noqon karto duulaan ay ku qaadaan degmooyinka ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada