Guddoomiyaha G/Banaadir oo ku hanjabay in gododka Shabaab ay geli doonaan

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ku hanjabay in gododka Shabaab ay geli doonaan

daajis.com:-Gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Gobolka Banaadir, Xasan Maxamuud Xuseen Muungaab, ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay inuu degi doono Godadka ay shabaab ku leyihiin magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Muungaab, waxa uu sheegay in maamulkiisa uu degi doono kana howlgali doono Deegaanada ay shabaab ku badanyihiin sida Huriwaa iyo Suuqa Xoolaha.
"Aniga meesha aan daganahay waa la yaqaanaa waa Sanco, hadana waan ka guraa oo waxaan dagaa meelaha ay daganyihiin shabaab, waraabe Godkiisaa la dagaa" ayuu yiri Gudoomiye Muungaab.

Waxa uu sheegay inuu qadarin doono Fikradaha Shacabka, islamarkaasna uu dhagaysan doono dalabyadooda iyo waxa ay tabanayaan.

Muungaab ayaa la imaan doono is bedelo xag amni oo ku saabsan sugida ammaanka Muqdisho, dadka qaar ayaa aaminsan yihiin maadaama uu askari yahay inuu wax badan ka qabto xaalada Muqdisho oo u baahan nin wax ka yaqaana arrimaha amniga iyo istiraatiijiyada ciidan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada