Garsoore Andre Marriner:- Oo Ka Raaligeliyay Arsenal Inuu Isku Qalday Gibbs Iyo Chamberlain.

Garsoore Andre Marriner:- Oo Ka Raaligeliyay Arsenal Inuu Isku Qalday Gibbs Iyo Chamberlain.

daajis.com:-Garsoore Andre Marriner ayaa ka hadlay sida uu uga xun yahay qaladkii uu sameeyay shalayto kadib markii uu Kieran Gibbs casaan ku siiyay qalad uu galay Alex Oxlade-Chamberlain.

Gibbs ayaa casaan lagu siiyay ka dib markii la isku qalday isaga iyo Chamberlain kulankii ay Chelsea 6-0 ku xasuuqday Arsenal, iyadoo Chamberlain uu gacan ku taabtay kubada xerada ganaaxa dhexdeeda.
Hazarad ayaa gool u sarifay rigooradii loo dhigay, halka Gibbs uu noqday mid ku jahwareersanaa sababta casaan toos ah loo siiyay, iyadoo Oxlade-Chamberlain uu u muuqday inuu u sheegayay garsooraha inuu isaga ahaa qofka qaladka geystay.
“In la isku qaldo labo ciyaaryahan waa wax yar tahay inay dhacdo, waxaana sabab u noqda arimo farsamo” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday xiriirka garsoorayaasha Ingariiska.

“Inkastoo go’aankaan uu ahaa mid adag, Abdre waa uu ka xun yahay inuu ku guuldareystay inuu casaan siiyo ciyaaryahankii mudnaa.
“Waxa uu ka xumaantiisa u bandhigay Arsenal markii loo sheegay arinta.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada