Daawo Video Wayne Rooney:- Goolkii Cajiibka Aan Ka Dhaliyay West Ham Ma Ahan Midka Aan Ugu Jeclahay.

Daawo Video Wayne Rooney:- Goolkii Cajiibka Aan Ka Dhaliyay West Ham Ma Ahan Midka Aan Ugu Jeclahay.

daajis.com:-Wyane Rooney ayaa sheegay in goolkiisii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay West Ham inay ku timid kaliya dareen, laakiin xiddiga Manchester United uma arko goolkaas midka uu ugu jecel yahay.

28 jirkaan ayaa shabaqa soo taabtay labo jeer iyadoo United ay West Ham 2-0 ku garaacday kulan ka dhacay Upton Park, goolkiisii ugu horeysay ayana u tartamaya goolka ugu fiican xilli ciyaareedkan.
Rooney ayaa indhaha ku dhuftay goolhayaha West Ham Adrian oo gool ka soo yara durugsan daqiiqadii sideedaad isagoo kubad ka qaaday meel goolka u jirta in ka badan 50 yard.
Goolkaas ayaana keentay in lala barbardhigo goolkii caanka ahaa ee David Beckham uu bartamaha goolka ka dhaliyay kulan ay la ciyaarayeen United kooxda Wimbledon 1996dii.
Beckham ayaa daawanayay kulankii shalayto ee Upton Park, iyadoo kabtankii hore ee England uu dhoolacadeeyay markii uu taribuunka ka daawanayay goolka Rooney.

Isagoo u hadlayay Sky Sports, Roo ayaa yiri: “Kaliya waxa ay aheyd dareen, waan jeestay waana fiiriyay waxaana arkay Adrian oo gool ka soo durugsan.
“Wax badan ayaa isku dayay, waxaana ka mahdinayaa inay maanta ii gashay. Ma dhihi karo waa goolka aan ugu jeclahay. Waa gool aan isku dayayay inaan ku dhaliyo tababarka, inta badana kuuma galaan sidaasi darteed ma arkaan dhashaan waa wax weyn.”
United ayaa talaadada wajaheysa kulanka Manchester derby iyagoo qaabilaya kooxda City.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada