Gobolka Crimea oo maanta loo qaadayo Afti uu kaga go'ayo Ukraine, kuna biiraya Ruushka

Gobolka Crimea oo maanta loo qaadayo Afti uu kaga go'ayo Ukraine, kuna biiraya Ruushka

daajis.com:-Shacabka Gobolka Crimea ee ka tirsan Ukraine ayaa maanta u dareeraya aftida madax banaanida gobolkaas, iyadoo dadweynaha ay u codeynayaan inay noqdaan gobol ka madax banaan Ukraine, kana mid noqonaya Ruushka.

Baarlamaanka Gobolka Crimea ayaa horay u goostay inay ka mid noqdaan Ruushka, hase ahaatee aftida maanta dhici doonta ayaa waxay si rasmi u go'aamin doontaa inay ka go'aan dalka Ukraine.

Ruushka oo ay ciidamo fara badan ka joogaan Gobolkaas ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq xoogan oo amniga lagu sugayo, waxaana la ogeyn go'aanka kama dambeysta ee ay qaadan doonaan dadka reer Crimea oo asal ahaan ka soo jeeda Ruushka.

Dowladda Ukraine ayaa sharci daro ku tilmaamtay aftida maanta la qaadayo, iyadoo ku eedeysay Ruushka inuu ku soo xad-gudbay dalkeeda, isla markaana uu bilaabay daan daansi, markii kumanaan ciidamo uu soo geliyay gobolkaas.

Safiirka u fadhiya Ruushka Golaha Ammaaka ayaa sheegay in tan iyo markii la afgambiyay dowladdii Ukraine aanay wax madax banaani ka jirin Gobolka Crimea, isla markaana dadka gobolkaas xaq u leeyihiin inay qaataan go'aankooda.

Xiisada u dhaxeysa reer galbeedka iyo Ruushka ayaa sii xoogeysaneysay dhowrkii todobaad ee u dambeeyay, iyagoo cambaareeyay waxa loogu yeeray xadgudubka dal madax banaan.

Reer Galbeedka oo ugu weyn yahay Mareykanka ayaa qorsheynaya inay qaadaan tallaabo ka dhan ah Ruushka, taasoo noqoneysa cunaqabateyn, iyadoo Golaha ammaanka la horgeynayo qaraar ka dhan ah Ruushka.

Ukraine ayaa horay uga mid aheyd dowladihii Midowga Soviet, sidoo kale Gobolka Crimea ayaa sanadkii 1991 u go'ay Ukraine, isla markaana noqday ismaamul goboleed ka tirsan dowladda Ukraine, waxaa u badan Gobolka dadka ka soo jeeda Ruushka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada