Layaabka:- Guri laga helay Meyda Haweeney dhawaan Hargeysa lagu dilay oo qofkii booqanaya lacag laga qaadayo

Layaabka:- Guri laga helay Meyda Haweeney dhawaan Hargeysa lagu dilay oo qofkii booqanaya lacag laga qaadayo

daajis.com:-Dhawaan Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan dad badana fajiciso ku noqotay , dhacdadaan oo wali si weyn looga hadal hayo Magaaladaasi .

Guri kuyaala Bariga Magaalada Hargaysa waxaa dhawaan laga helay Meydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle, haweeneydan ayaana la sheegay in markii la dilay kadib qol kamid ah gurigaasi god looga qoday kadibna lagu aasay meydkeeda.

Arinta ugu hadal heynta badan Magaalada Hargaysa ayaa noqotya dilka foosha xun ee loo geestay Haweeneydan , waxaana hada xiran oo baaritaano kusucdaa qoyska degnaa guriga meydkeeda laga helay oo lagu eedeeyay dilkaasi.

Sheekada layaabka leh ee hada kusoo korortay Magaalada Hargaysa ayaa noqotay in lacag lagu fiirsanayo Qolkii laga helay Meydka Haweeneyda la dilay , waxaana lasoo sheegayaa in qofkii doonaya in uu soo arko halka mashaqadu ka dhacday uu bixinayo lacag gaareysa 1-Dollar.

Dad tagay Guriga laga helay Meydka Marxuumad Ruqiya Siciid ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska iyo qaar kamid ah Ehelada Guriga dhibku ka dhacay in ay dadka ka qaadayaan Hal Dollar si ay usoo arkaan godka laga soo saaray Meydka haweeneydan.

Dhacadada Dilka ah ee dhawaan ka dhacday Magaalada Hargaysa ayaa noqotya mid si weyn loga hadal hayo Magaaladaasi , waxaana lagu tilmaamay dhacdadan mid kamid ah kuwii ugu xumaa ee halkaasi ka dhaca.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada