Ciidamada Huwaanta Magaalooyinka Ya qabsadeen oo laga qaxay..

Ciidamada Huwaanta Magaalooyinka Ya qabsadeen oo laga qaxay..

daajis.com:-Wararka la imaanaya magaalooyinka ay dhawaantan la wareegeen ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ee koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa la sheegaya in dadka caadiga ay ka carareen.
Ciidammada AMISOM ayaa sheegay in ilaa haatan ay qabsadeen shan magaalo oo ka tirsan gobollada Bakool iyo Gedo.

Waxay ilaa haatan qabsadeen magaalooyinka Rabdhuure, Waajir, Xudur iyo Buurhduubo.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in "duullaanka Itoobiya" uusan ka duwanayn kii dhacay sandkii 2006-dii, xilligaas oo ciidammada Itoobiya ay xukunka ka tuureen maxkamadihii Islaamiga.

Ciidammada Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dadka degan magaalooyinkaas inay la shaqeeyaan ciidanka sugaya ammaanka.

Ciidammada Itoobiya ayaa ku biiray AMISOM dhowr toddobaad ka hor.
Waxay haatan qaadeen weerarkii ugu ballaarnaa tan iyo markii ay ku biireen AMISOM.
Hasa ahaatee, Prof Cabdi Daahir, oo wax ka dhiga Jaamacadda Muqdisho, ayaa sheegay in xilli xun lagu soo beegay weerarka.

Waxaa uu leeyahay Soomaaliya haatan waxay ku jirtaa xilli kulul oo ay gabaasi yihiin baadka iyo biyaha.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada