Layaabka Dunida :- Nin Xaaskiisa u furaya Hantida ee leedahay uu nacay dartee.Sawiiro

Layaabka Dunida :- Nin Xaaskiisa u furaya Hantida ee leedahay uu nacay dartee.Sawiiro

daajis.com:-Nin hore u ahaa macallin xisaabeed oo guursaday gabadha ugu lacagta badan haweenka boqortooyada dalka Ingiriiska, ayaa xaaskiisa ku furaya hantida ay haysato awgeed, isagoo sheegay inaannu jeclayn inuu ku noolaado nolol taajirnimo ah.


Ninkan oo la yidhaa Tony Hawken oo 57 jir ah, ayaa furaya ooridiisa oo lagu magacaabo Xiu Li oo shirkado badan leh, kadib markii uu sheegay inuu khaati ka istaagay hantidaas xad-dhaafka ah.

Qoyskan nolosha tijaarnimo ku nool, gaar ahaan ku taama dukaamo aad u waaweyn, taasoo haweenayda uu ninkan qabay ka mid ahayd liis tijaarta lagu daabaco sannadkiiba oo uu soo qoro wargeyska The Sunday Times ee dalka Ingiriiska ka soo baxa.




Haweenaydan Li oo waqtigan hanta ahaan haysata $1.2 bilyan sida uu iftiimiyey wargeyska ka faallooda dadka dunida ugu caansan ee Forbes, ayaa nolosheeda tahay mid inta badan ku jirta tamashlayn, halka saygeeda Hawken uu aad u jecel yahay inuu la qadeeyo asxaabtiisa, gaar ahaan hudheellada aadka u jaban ee cuntooyinka.

Ninka guursaday haweenaydan taajirada ah waxa uu iibsaday dukaamo buuggaagta iyo dharka lagu iibiyo si uu nolol-maalmeedkiisa ugala soo baxo, maadaama uu neceb yahay xaaskiisa hantida badan haysata.

“Waxaan u malaynayaa in aan dhibsaday, sababtoo ah nolosha tijaarnimo ma jecli, mana jecli inaan lacag badan kharash gareeyo, sidaasaanan ku soo koray markii horeba, ilaa imminkana ma ahi qof hanti leh. Waxaan jecelahay nolosha caadiga ah, lacagtaydana inaan ilaashado aad baan uga helaa,” ayuu ku sheegay Hawken waraysi uu siiyey wargeyska The Times.

Lammaanahan kala aragtida duwan waxay waqtigan go’aansadeen inay is-furaan, isagoo ninkan lacag ahaan heli doona £1miliyan oo lacagta Ingiriiska ah, waxaannu xusay in lacagtaas ay aad ugu filan tahay.

Ninka Ingiriiska ah ayaa xaaskiisa taajiradda ah ee uu furayo markii ay is-barteen kula kulmay goob waxbarasho, isagoo macallin ah, halka iyaduna ahayd ardayad luqadda Ingiriisiga dhigata, halkaas oo ay isku jeclaadeen, iskuna guursadeen, balse haweenaydan oo aad u mashquul ah uu dhibsaday lacagteeda iyo nolosha tijaarnimo ee ay ku nooshahay.


Ibraahim Khadar Siciid
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada