Daawo Sawirada:- Askar katirsaneed Ciidanka Dowlada oo saakay Goob fagaare oo kutaala Muqdisho lagu toogtay

Daawo Sawirada:- Askar katirsaneed Ciidanka Dowlada oo saakay Goob fagaare oo kutaala Muqdisho lagu toogtay

daajis.com:-Sadax Askari oo katirsan Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saakay lagu toogtay Barxada Dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Janaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho .

Askarta la dilay ayaa labo kamid ah waxa ay katirsanaayeen Milatariga halka kan kalana uu ahaa Ciidanka Minoshiibiyada , waxaana lagu eedeeyay in ay horey dilal u geesteen, waxaana xukunka dilka ah ku riday Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya .

Eedeesanayaasha la dilay ee katirsanaa Ciidanka Dowlada ayaa saakay lasoo taagay tiirka lagu toogto dadka lagu xukumo dilka ee kuyaala Barxada Iskool Bolisiya ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada iyo dadweyne kale ayaa u daawasho tagay barxada uu ka dhacayay xukunka dilka ah ee lagu fulinayay Sadaxda Askari ee katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada