Daawo Sawirada:- Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo aqoon kororsi u aaday Dalka Uganda

Daawo Sawirada:- Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo aqoon kororsi u aaday Dalka Uganda

daajis.com:-Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa ah Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Gudoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanku ka koobanyahay waxaana ay Kampala u yimaadeen ka qeybgalka aqoon kororsi sare loogu qaadayo howlaha guddiyada kaasi oo ay qabaneyso hay’adda Awepa.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Entebbe International Airport ayaa xusay in safarka wafdigan ballaaran ee ka socda Baarlamaanka ee uu hogaaminayo uu qaadan doono mudo Shan cisho islamarkaasina ay mudadaasi xubnaha Guddiga Joogtada ah qaadan doonaan aqoon kororsi iyo qibrad is dhaafsi taasina ay tahay mid ballaarinta iyo hormarinta howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gacan weyn ka geysan doonta.

Xogahayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa isna dhankiisa saxaafadda waxa uu u faah faahiyey shaqada mudada shanta cisho ah ee ay joogayaan Kampala guddiga Joogtada ah waxaana uu xusay in howlahaasi ay ugu horeyso qorshe howleedka uu Golaha Shacabka ku shaqeynayo sanadkan 2014 gaar ahaanna howlaha horyaala Baarlamaanka kalfadhiga Afaraad iyo adkeynta la xisaabtanka howlaha fulinta.

Tallaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay hirgelinta heshiiskii ay magaalada Kampala ku kala saxiixdeen bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayadoo wixii xiligaasi ka dambeeyeyna uusii xoogeysanayey wadashaqeynta iyo xiriirka uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaannada kale ee caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com







Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada