Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi balaaran oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi balaaran oo gaaray magaalada Baydhabo

daajis.com:-Booqashada madaxweynaha ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Baydhabo ka taagnaayeen isqabqabsi xagga maamulka ah.

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminaayo  ayaa  goor dhow  gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay.
Ujeedka Safarka madaxweyne Xasan Sheeekh ee Baydhabo ayaa lagu sheegay xal u helidda  is qab-qabsiga ka ka dhex taagan labada  maamul ee magaalada looga  dhawaaqay.

Waxaa la filiyaa in Madaxweynaha uu kulan la qaato waxgaradka gobolka Baay iyo wufuuda soo kala dhistay labada maamul.

Waxaa magaalada looga dhawaaqay maamul ka kooban lix gobal oo ay hoggaaminayo Madoobe Nuunow Maxamed iyo maamul ka kooban sadex gobol oo uu hogaaminayo Maxamed Xaji Cabdinuur.


Waxaa aad loo  adkeeyay ammaanka  garoonka iyo  guud ahaan magaalada  Baydhabo, waxaana wadooyinka lasoo dhoobay  ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo lagu arkayo iyagoo si weyn u feejigan gudaha magaalada Baydhabo iyo hareeraha Garoonka diyaaradaha Baydhabo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada