Halkee buu ku dambeeyey baaritaankii weerarkii Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ?

Halkee buu ku dambeeyey baaritaankii weerarkii Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ?

daajis.com:-Sida la wada ogyahay 21-kii bishii Febraayo ee sanadkan dhalinyaro naftood hurayaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib qarax ismiidaamin lagu qaaday mid ka mid ah albaabada laga galo Madaxtooyadaweyn oo lagu furtay albaabka hore ee Madaxtooyada.

Ilaa todobo dhalinyaro hubeysan ayaa gudaha u galay gudaha Madaxtooyada, kuwaasoo dagaal wax badan socday la galay Ilaalada Madaxtooyada iyo ciidankii AMISOM ee ilaalinayay Madaxtooyada, iyadoo markii dambe mid mid loo toogtay.

Dadka ku dhintay weerarkaas waxaa ka mid ahaa Taliye kuxigeenkii hore Nabadsugida Jen. Nuur Shirbow iyo Agaasimihii Xafiiska Ra'iisul wasaaraha, kuwaasoo ahaa Mas'uuliyiin, waxaase aad loola yaabay hadalkii Wasiirka Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo weerarka kadib hadlay uuna sheegay in wax mas'uul aanu ku dhimin, weerarkuna uu fashilnay.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo weerarka kadib ka hadlay ayaa waxaa uu ku sheegay in ujeedadu ay aheyd in nolol ama geeri ku keenaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaas ku sugnaa hoygiisa ku yaal Madaxtooyada, balse uu bad baaday.

Weerarkaas ayaa walaac ku abuuray shacabka Soomaaliyeed oo ay u cuntami weysay in arrintii Madaxtooyada Soomaaliya oo ah halbowlaha Qaranka Soomaaliyeed gudaha u galaan Al-Shabaab, daqiiqado koobana ka dagaalamaan.

Gabal dhacii maalintii weerarka loo geystay Madaxtooyadda ayaa Madaxweyanaha Soomaaliya oo shir jaraa'id qabtay waxaa uu sheegay inay waxba Dowladda Soomaaliya u dhimi doonin weerarada naf lacaariga ah ee Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna tilmaamay in isbedelo dhanka ammaanka ah dowladiisa sameyn doonto.

Habeen kadib weearkii Madaxtooyada lagu qaaday ayaa shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha wasiirada, uuna shir gudoominayay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ku magacaabay Gudi heer wasiir oo ka kooban shan wasiir, kuwaasoo baaritaan ku sameeya weerarkii Madaxtooyada iyo sababaha keenay weerarka.

Sidoo kale maalmo ka dib markii Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo Xarunta Xalane kulmay Safiiro caalami ah iyo deeq bixiyayaal ka socday wadamada daneeya arrimaha Somaaliya ayuu u sheegay in isbedel uu ku sameyn doono mas'uuliyiinta amniga qaranka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre ayaa todobaad kadib weerarkii Madaxtooyada sheegay in baaritaankii ay sameeyeen ay u gudbiyeen Madaxda qaranka, isla markaana ay madaxda hor-taala natiijada baaritaankaas, wixii go'aan ama tallaab ay ka sugayaan inay qaataan.

Inkastoo Madaxda dowladda Soomaaliya laga war dhowrayay natiijada baaritaankaas iyo tallaabo dhanka is bedelka inay qaataan ayaa waxaa noqotay mid afkii baa juuqda gabay, iyadoo shacabka ay ka sugayeen wixii ka soo baxay baaritaankaas.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa ku dhaliilaya hey'adaha amniga inay mas'uuliyada weerarkaas dusha u ridan doonaan, mana jirto ilaa iyo hada xil ka qaadis lagu sameeyay mas'uuliyiintii xaga amniga qaabilsanaayeen.

Tusaale ahaan marka weerar lidi ku ah ammaanka qaranka uu dhaco waxaa mas'uuliyada qaata hey'adaha amniga, sida weerarkii sanadkii 2008-dii lagu qaaday Hotelkii Taj Mahal ee dalka Hindia oo mas'uuliyadii dusha u ritay Wasiirkii Arrimaha gudaha Hindiya, isuna casilay weerarkaas dartiis.

Su'aalaha isweydiinta mudan ayaa ah, siyaasadda Madaxda Dowladda Soomaaliya miyaa ku soo uruurtay ballan qaad been abuur ah? Mas'uuliyiinta Amniga miyaa heysta awood gaar ah oo aan lagu bedeli Karin? Ma Madaxda sare ee Qaranka ayaanan shacabka Soomaaliyeed ka waayey raggii lagu bedeli lahaa raga ammaanka mas'uulka ka ah Iyo kuwa kale

Ma dhaqankii aan horay u naqiinay ayuu la mid noqonayaa weerarkii Madaxtooyada oo loo iloobo sida weeraradii dadkii faraha badnaa galaaftay, ma baaritaanadii horay loo waayay natiijadooda ayuu la mid noqonaya baaritaanka weerarkii Madaxtooyada.

Intaas oo dhan waa arrin ka dhex guuxeysa shacabka oo aan wali niyadooda ka go'in, ma karti daro jirta ama kursiga ilowsiiyay madaxdeena Qaranka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada