Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay Mandate-ka AMISOM iyo Ciidamada safka hore

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo si kulul uga hadlay Mandate-ka AMISOM iyo Ciidamada safka hore

daajis.com:-Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble oo ka mid ahaa musharaxiintii ugu cad cadeyd doorashadii madaxtinimo ee sanadkii 2012 ayaa waxaa uu shaki geliyay waajibaadka (Mandate) ciidamada AMISOM ku howl galaan iyo inta ay dalka joogaan.

Xildhibaanka ayaa si aan horay looga baran Xildhibaanada uga hadlay arrimaha Mandate-ka iyo Ciidamada safka hore ee uu horay Baarlamaanku diiday, balse hada ka mid noqday howl galka AMISOM.

"Ciidamada AMISOM Mandate ay leeyihiin oo aan ognahay ma jirto ilaa iyo hada, waxaa rabnaa in Mandate-ka Ciidamada AMISOM in baarlamaanka la keeno"ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo shalay ka hadlayay fadhigii Baarlamaanka.

Mar uu soo hadal qaaday Ciidamada safka hore oo hada doorka ugu weyn ka qaadanayaan howl galka AMISOM ayuu sheegay in aan arrintooda la horkeenin Baarlamaanka, isla markaana aanay waxba ka ogeyn.

"Ciidamada safka hore waa baa baarlamaanka diiday, waa nagula soo daray, baarlamaan la keenay oo lagu ansixiyay ma naqaano, hadii heshiisyo lala soo galay ma naqaano"ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Mr Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha ay heshiisyo la soo galeen dowlado iyo shirkado ajnabi, isla markaana aan ilaa iyo hada wax ka ogeyn, lana horkeenin Baarlamaanka.

"Waa in Xukuumada ay keento heshiisyadii lala soo galay dowladaha ajnabiga iyo shirkadaha ajnabiga, wax naloo keenay ma jirto, Madaxweynaha Addis Ababa ayuu tagay heshiis ayuu soo saxiixay ma naqaano, Ra'iisul Wasaaraha heshiis ayuu soo saxiixay, Wasiirada heshiis ayay soo saxiixeen"ayuu hadalkiisa ku soo daray Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble.

Xildhibaanka ayaa sheegay in aan loo baahneyn in meelaha la iska fadhiyo, mushaarna la qaato, mar walbana lagu xiro fadhiyada baarlamaanka, isagoo si wadaniyad ku jirto u qeexay in loo baahan yahay in masiirka umada laga hadlo.

Dhinaca kale Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa ka hadlay arrinta baasaboorka iyo qaadashada kaararka aqoonsiga ee muwaadinimo, kaasoo uu sheegay in umada ay ka maraan helistooda dhibaato fara badan.

"Waxaa dhibaato fara badan ka arkay dadweynaha arrinta baasaboorka, dad badan ayaa shaqooyinka ku waayay, caruur dhalatay oo la qaadi lahaa ayaa loo waayay, shirkad cusub ayaa baasaboorka la siiyay, wey keeni weysay in dadka ay gaarsiiso baasaboorka waa in baarlamaanka go'aan ka gaaro"ayuu mar kale yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Baarlamaankii Kenya lagu soo dhisay ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2005 isku gacan qaaday, markii uu muran ka dhashay dood baarlamaanka ka lahaa ciidamada safka hore oo ugu dambeyn Xildhibaano fara badan ay u codeeyeen in ciidamo safka hore lagu soo biirin howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan C/qaadir Cali Cosoble ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee si toos uga hadla Mandate-ka AMISOM u joogaan, isla markaana dalbada in Mandate-kooda la horkeeno Baarlamaanka Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada