Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo galay Buuraha Gal-gala iyo Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo galay Buuraha Gal-gala iyo Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda

daajis.com:-Maamulka Puntland ayaa heegan geliyay ciidamada daraawiishta, kadib markii laga war helay warar sheegaya in dagaalyahano fara badan ka tirsan Shabaab, kana soo firxaday dagaalada ka socda Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay galeen Buuraha Gal-gala, halkaasoo saldhig u ah Shabaabka ka dagaalamaya Puntland.

Ciidamada daraawiishta Puntland ee saldhiga ku leh aagga Gal-gala ayaa saakay bilaabay howl galo ay ku baadi-goobayaan xoogag ka tirsan Shabaab oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan buurahaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo ciidamo dhulka ah ayaa gaaf wareegaya buuraha, si ay u helaan raad ama xoogag la sheegay inay joogaan halkaas.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada daraawiishta ayaa sheegay inay shaki ka qabaan in dagaalyahno badan oo Al-Shabaab ka tirsan ay gaareen Buuraha Golis oo ah buuraley aad u dheer oo gasha ilaa Itoobiya.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa khamiistii sheegay inay jiraan dagaalyahano boqolaal gaaraya oo ka soo firxaday dagaalada ka socda Koofurta iyo Bartamaha ay soo galeen deegaanada maamulkiisa, halka kuwo kalena ay u gudbeen Maamulka deriska la ah ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo todobaadkii hore booqday saldhiga Ciidamada daraawiishta ku leeyihiin aagga Gal-gala ayaa kula dar daarmay inay gutaan waajibaadkooda, ayna ka difaacaan waxa uu ugu yeeray argagixisada.

Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ayaa sanadihii u dambeeyay ku dagaalamayay buuraha Gal-gala, iyadoo xoogag ka tirsan Shabaab ay weeraro ku qaadayeen fariismaha ciidamada Puntland ku leeyihiin aagaas iyo duleedka Boosaaso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada