daajis.com:-Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay inay tahay wax aan macquul aheyn inay ku guuleystaan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ka dib guuldaradii 1-0 ee maanta ka soo gaartay kooxda Crystal Palace.
Chelsea ayaa 1-0 looga badiyay maanta ka dib gool uu iska dhaliyay John Terry, natiijadaas ayaana ka dhigtay inay hal dhibic ku hayaan hogaanka horyaalka iyadoo Liverpool ay hal kulan u harsan tahay halka Man City ay seddex kulan u harsan tahay.
Mourinho ayaana qirtay in inkastoo xisaab ahaan ay weli macquul u tahay inay ku guuleystaan horyaalka hadana waaqici ahaan aysan macquul aheyn.
“Waan ogahay in xisaab ahaan ay weli macquul tahay inaan ku guuleysano horyaalka, laakiin waxaan haatan aad ugu tiirsanahay natiijada kooxaha kale.” ayuu Mourinho ku yiri shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib.
“Waxaan qabaa inaan haatan dhuminay fursad kasta oo aan kaalinta koowaad ku dhameysan laheyn” ayuu Mourinho sidoo kale u sheegay BBC Radio 5live ciyaarta ka dib.
“Haatan waxaan si aad ah ugu tiirsanahay natiijooyinka kale. Mr Foy ayaana arintaan qeyb muhim ah ka ciyaaray isbuucii hore.
“Laakiin maanta waxaan dhuminay seddex dhibcood, waxaa inaga badisay koox inaga fiicneyd. Anaga kaliya uun ayaa is eedeyn karna.
“Waxaan qabaa malaha waxaan u qalanay guul. Waxaan helnay fursado fiican. Goolhayahooda fursado fiican ayuu badbaadiyay. Waxaan helnay fursadii ugu fiicneyd qeybtii hore.
“Laakiin isbiiritkooda iyo sida ay ugu heelanaayeen ciyaarta ayaa inaga xoog badneyd. Isbiritkaas dartiisna waa ay u qalmaan guusha.”
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:47 and have
, Published at