Arsenal Iyo Man City Oo Isku Garab Dhacay Ka Dib Ciyaar Adag Oo Emirates Ku Dhexmartay.

Arsenal Iyo Man City Oo Isku Garab Dhacay Ka Dib Ciyaar Adag Oo Emirates Ku Dhexmartay.

daajis.com:-Ciyaar aad u adag oo Arsenal iyo Manchester City ku dhexmartay garoonka Emirates Stadium ka dib waxa ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, iyadoo gool uu dhaliyay Silva uu kansalay qeybtii labaad Flamini.

Tababare Manuel Pellegrini ayaan waxba ka bedelin line-upkiisa, halka Rosicky iyo Flamini ay ku soo bilowdeen line-upka Arsenal.
City ayaana carcar ku bilaabatay ciyaarta iyagoo durbadiiba maamulayay khadka dhexe ee ciyaarta, waxaana dadaalkooda uu dhalay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta daqiiqadii 17aad.
Mucjisada reer Spain Silva ayaa kubad u dhigay Dzeko kaasoo darbadiisa ay soo celisay birta waxaana ku tagay Silva oo shabaqa ku taabtay.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta ee lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Manchester City.
Arsenal ayaana qeybtii labaad ciyaarta ku soo laabatay iyagoo helay goolka barbaraha daqiiqadii 53aad ee ciyaarta markii karoos uu soo dhigay Podolski uu shabaqa ku taabtay Flamini kaasoo aan wax fursad ah siinin goolhaye Joe Hart.
Ka dib ciyaar adag oo ay soo bandhigeen labada kooxood waxa ay isla dhaafi waayee barbaro gool iyo gool ah. Iyadoo Gunners ay ciyaar fiican soo bandhigtay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Natiijadaan labada kooxoodba wax dan ah uguma jiraan marka loo fiiriyo tartanka horyaalka Premier League.
Manchester City ayaa weli ku jirta kaalinta seddexaad iyadoo leh 67 dhibcood waxaana u harsan labo kulan kale, waxaana ay labo dhibic ka hooseeyaan Chelsea, iyadoo fursad u siineysa Liverpool inay hogaanka horyaalka berrito la wareegto haddii ay ka badiyaan Tottenham.
Arsenal ayaan iyada wax guul ah gaarin seddexdii kulan ee ugu danbeysay waxaana ay ku jiraan kaalinta afaraad iyagoo leh 64 dhibcood.
source:- laacib FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada