Beyle: “waa muhiim in Kenya ay ixtiraamto heshiiskii 3 geesoodka”

Beyle: “waa muhiim in Kenya ay ixtiraamto heshiiskii 3 geesoodka”


daajis.com:-Doowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa si weyn uga hor timid go’aanka Doowlada Kenya ee ahaa, in qaxootiga ku sugan magaalooyinka si qasab ah loogu celin doono xeryaha Qaxootiga.

Wasiirka arimaha dibada DF C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta waxa uu sheegay in hadalka kasoo yeeray Kenya, uu yahay mid u baahan in dib loogu laabto.

“Waa muhiim in dowladda Kenya ay dib ugu noqoto go’anka ay ku doonayan inay magaalooyinka laga celiyo qaxootiga,balse waxaan cadeynayna inuu wali na heshiiskii ay an wada garnay Kenya iyo hay’adda UNCHR na hagayo ” ayuu yiri wasiir Beyle.

Ducaale Beyle, aya sheegay  inay dhankooda diyaariyeen gudigii laga sugayey sida ku jirtay qodobadii heshiiskii seddex geesoodka ahaa,asago xusay in arrintan qaxootiga 15 bisha soosocota looga hadli doono magaalada Muqdishu.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada