Maraykanka oo Cunaqabateyn Saaray Ruushka

Maraykanka oo Cunaqabateyn Saaray Ruushka

daajis.com:-Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa amray in la xayiro hantida toddobo sarkaal oo Ruush ah. Obama ayaa sheegay in talaabadan loo qaadayo kaalintii ay toddobo sarkaal ku lahaayeen aftidii uu Ruushku taageersanaa ee gobolka Crimea uu kaga go’ayey dalka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweeynaha Russia Vladimir Putin ayaa  saxiixay wareegto uu ku aqoonsanayo madaxbanaanida  gobolka  Crimea. Mr. Putin ayaa Crimea u aqoonsaday dal qaran ah oo xornimadiisa qaatay.
 
Mr. Putin ayaa wareegtadan saxeexay Isniintii shalay, maalin uun ka dib markii aftidii laga qaaday dalka reer Crimea ay noqotay, waxa saraakiil Ruush ahi ku sheegeen in 97% dadkii codka bixinayey ay ku caddeeyeen in Crimea ay xor ka tahay dalka Ukraine. Wareegtada ayaa sidoo kale timid, saacado uun ka dib markii Maraykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabateyn saareen saraakiil Ruushka, iyaga oo ka jawaabaya taageerada in Crimea ay ka go’do Ukraine.

Warbixin arrintaas ka hadlaysa oo uu inoo diyaariyey Maxamed Cabdi Sandhere hoosta ka dhageyso.


xigasho: voasomali FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada