Mombasa:- Booliska Kenya oo qabtay Gawaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay

Mombasa:- Booliska Kenya oo qabtay Gawaari waxyaabaha qarxa laga buuxiyay

daajis.com:-Booliska Kenya ayaa Isniintii shalay ee lasoo dhaafay Xeebta Mombasa ku qabtay 2 Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo dadkii waday.
“Waxaa idin cadeynayna inan gacanta ku hayno labo gaari,balse ma sheegi karno halka bartilmaameydkoodu ahaa, laakiin waxaan xirnay labo ruux oo gaadiid waxyaabaha qarxa ku wada” ayuu yiri Henry Ondiekh oo ah taliyaha dambi barista magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Henry Ondiekh, ayaa sidoo kale sheegay in gaadiidka ay saarnaayeen labo qarax oo kuwa gacanta lagu sameeyo oo Mabeylo ay ku xernaayeen, kuwaasi oo la damacsanaa in qaraxyo lagu sameeyo, sida ay booliska sheegeen.

Henry Ondiekh, ayaa sidoo kale xusay, in ragaan ay qorsheeynayeen ineey weeraraan goobo aan la cayimin, laakiin laga hor tagay inteeysan u suurta galin qorshahooda.

Laakiin Booliska ayaa warar is khilaafsan kasoo saaraya dhalashada nimankan watay Baabuurta la qabtay, qaarkood waxay sheegayaan in ay u dhasheen Soomaaliya, halka qaarkoodna ay leeyihiin mid ayaa Kenyan ah kan kalena Soomaali.


Gawaaridan iyo ragii watay waxaa hada lagu hayaa saldhig Police oo ku Yaal Mombasa, waxaana ku socota baaris xoogan.

Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamadeeda gudaha u galeen Soomaaliya, waxay la tacaaleysay weeraro is daba joog ah oo kaga imaanayay shabaab, waxaana kamid ah weerarkii dhacay 2013, sebtember, kaasoo lagu qaaday Xaruunta Westgate Mall ee magaalada Nairobi, waxaana ku dhintay 67 qof oo Ajaanib cadaan u badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada