Maradona oo loo diiday inuu u hambaliyeeyo Suarez kaddib guushii Old Trafford

Maradona oo loo diiday inuu u hambaliyeeyo Suarez kaddib guushii Old Trafford

daajis.com:-Cayaaryahankii hore ee xulka Argentina Diego Maradona ayaa laga hor-istaagay inuu Luis Suarez u hambaliyeeyo kaddib guushii ay Liverpool kaga heshay Old Trafford kooxda Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaa mucjisadii kubadda cagta adduunka siisay boono gaar ah (VIP Ticket) si uu cayaarta u daawado, wuxuuse u muuqday inuu taageerayay kooxda martida ahayd ee Liverpool.

Mara ayaa sare u kacay oo sacab-tumay markii uu kabtanka Liverpool, Steven Gerrard dhaliyay rigooradiisii labaad ee cayaarta.

Markii ay cayaarta dhammaatay kaddib ayuu Maradona isku dayay inuu aado qolka labbiska ee kooxda martida aheyd (Liverpool) si uu Luis Suarez oo ay Koonfurta Ameerika ka wada yimaadaan ugu hambaliyeeyo.

Daily Express ayaa ku warramaya in Maradona laga hor istaagay inuu tago halkii uu u socday.

Lama oga sababta rasmiga ah ee looga hor-istaagay inuu u hambaliyeeyo kooxda guuleysatay, hase yeeshee waxay u muuqataa in Manchester United aysan farxad gelin inuu farxadda la wadaago Liverpool oo ay xifal-tamaan, tiiyoo ay jirto in Mara ay ayaga casuumeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada