Magacyada Saraakiil, masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowlada iyo AMISOM oo ku naf waayey weerarkii Buulo Burde

Magacyada Saraakiil, masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan dowlada iyo AMISOM oo ku naf waayey weerarkii Buulo Burde

daajis.com:-Waxaaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan weerar iskugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday xalay saqdii dhexe Hotel Camalow oo ku yaala degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan kaasoo ay degenaayeen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada iyo kuwa Jabuuti ee dhowaan halkaas la wareegay.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu dhuftay afaafka hore ee hotelka Camalow waxaana xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidanka ilaalada hotelkaas iyo kooxo hubeysan.

Ugu yaraan 25 ruux ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxaana dadka dhintay ay isugu jiraan saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti.

Waxaa ka mid ah saraakiisha weerarkaas ku dhimatay abaanduulihii ciidamada dowlada ee gobolka Hiiraan Maxamed Aadan Amiin halka ku-xigeenkiisii C/qaadir Nuur uu dhaawacmay.

Sidoo kale waxaa weerarkii xalay ka dhacay Buulo Burde ku naf waayey gudoomiyihii maamulka dowlada ee degmada Buulo burde, iyadoo gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed (Hagar-dabageed) uu weerarkaas si xun ugu dhaawacmay.


Weerarkii xalay ka dhacay degmada Buulo Burde oo ahaa mid qorsheysan oo si weyn looga soo shaqeeyey ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay illaa 7 dagaalyahan oo ka tirsdan kooxda Al-shabaab.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Jabuuti ayaa saaka howlgalo xoogan ka sameeyey xaafadaha degmada Buulo Burde kuwaasoo ay ku soo qabqabteen illaa 20 ruux oo la tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Waa weerarkii ugu xumaa uguna khasaaraha badnaa ee ka dhaca degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan tan iyo markii ciidamada dowlada iyo AMISOM ay la wareegeen degmadaas maalmo ka hor.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada