Robin van Persie :- Oo Noqday Geesiga United & Dortmund Oo Soo Baxday Inkastoo Laga Badiyay – Sawiradii Ugu Fiicnaa Champions League.

Robin van Persie :- Oo Noqday Geesiga United & Dortmund Oo Soo Baxday Inkastoo Laga Badiyay – Sawiradii Ugu Fiicnaa Champions League.

daajis.com:-Waxa ay aheyd habeen riwaayadeed Champions League iyadoo Old Trafford ay ka dhacday ciyaar ay Manchester United ku guuleysatay inay dhanka kale u rogto guuldaradii Olympiakos ee lugtii hore iyadoo RVP uu dhaliyay seddexleey, halka Zenit ay guul ka gaartay Dortmund laakiin ay weli kooxda Jarmalka ku soo baxday wadar ahaan 5-4 labada lugood.
380615_heroa
Laacib.net waxa ay eegeysaa sawiradii ugu fiicnaa ee wareegii ugu danbeeyay ee wareega 16ka Champions League lugtiisa labaad…
Midabada Dortmund ayaa ka muuqday darbiga Yellow Wall ee garoonka Signal Iduna Park ka hor kulankii lugta labaad.
Zenit ayaa u baahneyd isku duubni si ay dhanka kale ugu rogaan guuldaradii 4-2 ee lugta hore.

Jamaahiirta kooxda Ruushka ayaa sameeyay arin muran dhalisay iyagoo taribuunka ku gubay calanka Jarmalka.

Zenit ayaa si wacan ku bilaabatay iyadoo Hulk uu hogaanka u dhiibay daqiiqadii 16aad.

Gooldhaliyaha reer Brazil ayaa kubad gantaal aheyd hogaanka ugu dhiibay Zenit.

Man United ayaa fursadii ugu horeysay heshay daqiiqadii 25aad.

Robin van Persie ayaa qalad lagula galay xerada ganaaxa ka dib markii uu kubad uu u soo dhigay Giggs ku koontaroolay xabadka.

Xiddiga reer Holland ayaana rigoorada gool u bedelay.

Robert Lewandowski ayaa jaale ku qaatay isagoo isku dayayay inuu rigoore u helo kooxdiisa Dortmund.

Dortmund ayaa gool muhim ah dhalisay daqiiqadii 40aad markii Sebastian Kehl uu madax ku dhaliyay gool.

United ayaa heshay goolka labaad markii Van Persie uu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Wayne Rooney.

Ka dib waqtigii nasashada ee Old Trafford United ayaa laad xor ah loo dhigay banaanka xerada ganaaxa.

Rooney ayaa kubada ka dul booday iyadoo Van Persie uu kubada ka dulqaaday darbiga xiranayay.

Van Persie ayaana u dabaaldegay seddexleydiisa.

Cadaadiska ayaa ku sii kordhayay Dortmund iyadoo Jose Rondon uu kubad ka  timid Cristico madaxeeyay.

Kubada madaxa ee uu dhaliyay Rondon ayaa ka dhigtay wadar ahaan labada lug 5-4 iyadoo ciyaarta ay ka harsaneyd 15 daqiiqo.

40 jirka Ryan Giggs ayaa ciyaaray 90ka daqiiqo, saameyn weyn ayuuna ciyaarta ku lahaa.

Van Persie ayaa ciyaarta bareelo looga soo saaray daqiiqadii 90aad ka dib dhaawac soo gaaray.

Dhiig, dhidid iyo ilmo isagu darsantay Zenit iyadoo Tomas Hubocan uu ku dhaawacmay qalad kaga yimid Lewandowski.

Dhamaadkii ciyaarta garoonka Riyada waxaa lagu soo dhaweeyay daabaaldeg waali ah.

Moyes oo neef ka soo fuqday isagoo salaamaya taageerayaasha markii ay kooxdiisa xaqiijisatay wareega 8da.

Dortmund oo iyadana iska xaadirisay wareega 8da Champions League.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada