Daawo Sawirada:- Waxyaabo loo maleenayo in ay yihiin bur burka Diyaarada Malaysia Airlines oo la arkay

Daawo Sawirada:- Waxyaabo loo maleenayo in ay yihiin bur burka Diyaarada Malaysia Airlines oo la arkay

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Dalka Australia Tony Abbott ayaa Baarlamaanka Dalkiisa u sheegay in la aray Waxyaabo loo maleenayo in ay qeyb ka yihiin bur burka Diyaraadii Malaysia Airlines 

Tony Abbott ayaa tilmaamay in dayax gacmeed uu qaaday Sawiro loo maleenayo in ay yihiin Bur burka Diyaarada laga leeyahay Dalka Maleysia oo wali la la’yahay meel ay jaan iyo cirib ku dambeysay.
Ra'iisul Wasaaraha Australia ayaa sheegay in Diyaarad loo diray halka lagu arkay sawirada loo maleenayo in ay yihiin bur burka Diyaarada Dalka Malaysia si loo xaqiijiyo arintaasi.

Diyaaradda Malaysia airlines ayaa la waayey 8-dii bishaan, waxaana saarna 239-qof oo isku jira shaqaalaha iyo rakaabka diyaaradda, iyadoo kusii jeeday magaalada Beijing, waxaana raadinaaya ilaa 26-wadan iyadoo laga raadiyey dhul baaxadiisu aad u weyn tahay.

Ma ahan markii ugu horeesay oo la arko waxyaabo loo maleeyay in ay yihiin bur burka Diyaarada Malaysia airlines, Dhawaan ayeyna aheed markii Dowlada Shiinaha soo bandhigtay wax loo maleeyay in ay yihiin bur burka Diyaarada wali aan laheyn.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada