Sadaal:- Yaa Dhulka Lagu Jiida Doonaa Kulanka El Clasico Ee Real Madrid Iyo Barcelona?

Sadaal:- Yaa Dhulka Lagu Jiida Doonaa Kulanka El Clasico Ee Real Madrid Iyo Barcelona?

daajis.com:-Mid ka mid ah kulamada ugu weyn caalamka ayaa habeen danbe ka dhici doona Santiago Bernabeu marka Real Madrid ay soo dhaweyso Barcelona kulanka labaad ee El Clasico ee horyaalka xilli ciyaareedkan.
Waxaa iska horimaan doona ciyaartoyda ugu qaalisan dunida, kuwa ugu fiican dunida, halka indhaha caalamka isboortiga oo dhan ay habeen danbe ku sii jeesan doonaan caasimada Spain si ay u arkaan waxa ka soo baxa 90ka daqiiqo.
Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi u ah labada kooxood. Barcelona ayaa afar dhibcood ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Real Madrid. Haddii Barca ay badiso waxa ay keeneysaa inay tartanka horyaalka ku sii jiraan, haddii Real Madrid badisana waxa ay sii xajisan doonaan hogaanka iyagoo meel cidla ah uga tagi doona Barca.
Hadaba saadaal ka bixi kulanka loo yaqaano El Clasico, yaa habeen danbe guusha raaci doontaa Real Madrid mise Barcelona? Mise labada kooxood waa ay isku garab dhici doonaan?

Ka qeyb qaado fekerkaaga adigoo ku soo qoraya qeybta fekradha ee hoose ee facebooka Mahadsanid.?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada