SHAN KA MID AH XIDIGAHA GEESKA OO HELAY FURSAD AY KU TAGAYAAN DALWEYNAHA AUSTERELIA.

SHAN KA MID AH XIDIGAHA GEESKA OO HELAY FURSAD AY KU TAGAYAAN DALWEYNAHA AUSTERELIA.

daajis.com:-Fursadani waxay u Sahlaysaa Shantan Fanaan ee Somalida Ah inay Helaan Ama La Siiyo Cardka Caalamiga ah ee Aqoonsiga Fanaanimo Kaasi oo ay ka heli doonaan Shirkad Laga Leeyahay Dalka Australia oo horumarisa fanka wadamada dunida sadexaad ka jira. Shirkadan Ayaa Xog Ururin Ay Sameeysay Kadib Waxay sheegtay in ay Siinayaan Fursad lagu Horumarinayo fankooda 5 fanaan oo ka mida Kooxda Xidigaha Geesaka.ee ka dhisan Magaalada Hargaysa.

Fursadani waxay u Sahlaysaa Shantan Fanaan ee Soomalida Ah inay Helaan Ama La Siiyo Kararka Caalamiga ah ee Aqoonsiga Fanaanimo Kaasi oo guud ahaan fanaaniinta la siiyay ee ka soo jeeda Qaarada Africa Tiradoodu Dhantahay 43 fanaan, Waana Markii Ugu Horaysay ee fanaaniin Soomaali ahi ay Ka Mid Noqdaan dalada caalamiga ah ee kulmisa fanka iyo fanaaniinta Qaarada Africa.
Sida Warbixinta Lagu sheegayna. Kala Xulashada Fanaaniinta Tirada Badan ee Kooxda Xidigaha geeska oo intooda badan aan kala dhicin islamarkaana bulshada somalidu Ay heesahooda Dhagaystaan, ayaa waxa ka mida
01. Maxamed Siciid Cabdi (Bk)
02. Nimcaan cabdiraxmaan xasan (Hilaac)
03. Yurub Mohamed Cabdi (Geenyo)
04. Khadra Cabdi Sinimo
05. Maxamed axmed Bakaal (Ciro)
Fanaaniinta Xiddigaha Geeska Oo muddo kooban jiray ayaa durba ka dhex muuqday bahda fanka, waxaana loo tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu wanaagsan Geeska Afrika.
Balse Su,aasha Is waydiinta Mudan ayaa Ah. Arintani Ma ku keeni kartaa Kooxda Xidigaha geeska khilaaf maadaama ay ka maqanyihiin fanaaniin caan ah oo ka mid ah kooxda xidigaha geeska
Halkan ka daalaco sida ay u kala sareeyaan shantan Fanaan

 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada