Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu qasbayo in uu ka tago Baydhabo kadib markii Naceyb loo muujiyay

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu qasbayo in uu ka tago Baydhabo kadib markii Naceyb loo muujiyay

daajis.com:-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hada kusugan Magaalada Baydhabo ayaa cadaadis xoog leh waxa uu kala kulmayaa Shacabka iyo iyo siyaasiyiinta fikirkiisa kasoo horjeeda ee kusugan Magaalada Baydhabo.

Sadaxdii malain ee lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo waxaa ruxay dibad baxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagu gadaal ka riixaya Maamul Goboleed ka kooban Sadax Gobol oo dhismihiisu kasocdo Magaalada Baydhabo.

Shacabka Baydhabo ayaa u muujiyay Xildhibaan Shariif Xasan Naceyb iyagoona ugu baaqay in uu deg deg uga baxo Magaalada Baydhabo, waxaana wali Magaalada Baydhabo kasocda abaabulka dibad baxyo kale oo Shariif la doonayo in Baydhabo looga saaro.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan lagula taliyay in uu isaga baxo Magaalada Baydhabo inta aysan xaalku faraha ka bixin ,waxaana Magaalada Baydhabo wali laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah.


Lama oga in Shariif Xasan ku adkeesan doono in Baydhabo joogo iyo in uu isaga tago , waxaasa socda dadaalo dhinacyo badan ah oo xaalka lagu dajinayo lagan dalbanayo Shariif Xasan SheekhAadan in uu dib ugu laabto Muqdisho uu markii hore ka tagay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada