Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Puntland oo booqday fariisimaha Ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Gal-gala

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha Puntland oo booqday fariisimaha Ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Gal-gala

daajis.com:-Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta si lama filaan ah booqasho ugu tagay fariisin ciidamada Puntland ku leeyihiin buuraha Gal-gala ee dhinaca koofur galbeed Gobolka Bari.


Dr. C/wali Gaas ayaa waxaa la socday Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland, iyadoo markii uu tagay saldhiga Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin Aaga Gal-gala, waxaa uu salaan sharaf uu ka qaatay ciidamadii halkaas ku sugnaa.

Waxaa uu uga tacsiyadeyay geeridii Taliyihii hore ee Ciidamada daraawiishta aaga Gal-gala oo todobaad ka hor ku dhintay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday kolonyo uu la socday oo ka dhacay duleedka Boosaaso, waxaana uu u balan qaaday ciidamada inay heli doonaan xuquuqdooda.

Sidoo kale waxaa uu kula dar daarmay ciidamada inay gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay u dhabar adeegaan howsha difaaca ay ku jiraan sida uu yiri.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa booqasho ku marayay magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Puntland, waana markii u horeysay oo uu kormeero deegaanadaas tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada.












FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada