Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Kampala + SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa oo gaaray magaalada Kampala + SAWIRRO

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Yugandha, waxaana wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey garoonka madax ka tirsan dawladda Yugandha, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Yugandha iyo kuxigeenkiisa, iyo Xanaanada Xoolaha Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo horay u sii joogay Kampala.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ka qeybgalaya shirka ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahwadaagta IGAD, waxaana shirkan oo furmay 24-kii bishan looga hadlayaa sidii looga hortagi lahaa abaaraha iyo biyo yaraanta ka jirto degaanada baadiyaha ee dalalkan, si looga hortago abaaraha ka so bilowda biyo yarida iyo daaq la’aanta.


shirkan ayaa waxaa labadii cisho ee la soo dhaafay u fadhiyay khubaro iyo guddiyo farsamo kuwaasoo sii diyaarinayay qorsheyaasha shirka, waxaana maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 26-ka la filayaa inay si rasmi ah u fariistaan Wasiirada dalalka IGAD ee qaabilsan abaaraha, beeraha iyo xanaanada xoolaha, waxaana la filayaa inay ka doodaan qodobo badan oo ay ka mid tahay sidii loo heli lahaa ceelal iyo Waro-biyoodyo iyo sidoo kale dhulal Daaqsnineed loona kobcin lahaa dhirta iyo daaqa.

Maalinta kama dambeysta ah ee 27-ka bisha ayaa la filayaa inay shirkan soo afmeeraan madaxda iyo hogaamiyeyaasha dalalka ku bahoobay IGAD, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aano wax ku ool ah oo looga gaashaamanayo musiibooyinka abaaraha iyo nabaad guurka degaanka.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa sheegay in shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka Soomaaliya maadaama ay ka jiraan abaaro iyo biyo yari, wuxuuna xusay in go’aanada kasoo baxa ay si dhaqso leh u saameyn doonaan degaanada Soomaaliya, isla markaana ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda qodista ceelasha, dhismaha goobo Waro-biyoodyo ah iyo sidoo kale kobcinta dhirta iyo daaqa.





Garad Salad Hersi

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada