Uefa Oo Baaraysa Aflagaado Uu Kala Kulmay Mesut Ozil Taageerayaasha Bayern Munich.

Uefa Oo Baaraysa Aflagaado Uu Kala Kulmay Mesut Ozil Taageerayaasha Bayern Munich.

daajis.com:-Xiriirka kubadda cagta yurub ee Uefa ayaa baaraya aflagaado ay kula keceen taageerayaasha kooxda Bayern Munich xiddiga kooxda Arsenal Mesut Ozil.

Ozil ayaa ciyaarta laga saaray kadib 45 daqiiqo oo uu ciyaaray isagoo dhaawac ah balse taageerayaasha joogay Allianz Arena ayaa soo muujiyay boorar ay ku qorantahay ereyo aflagaado ah inkasta oo aan lawada shaacin ereyadaas.
Waxaa la sheegay in mid kamid ah boorarka lagu arkay Allianz Arena habeenkii talaadada ay ku qorneed “Ozil laacib kii xumaa” Uefa ayaana bilowday baaritaan ku aadan aflagaadada lagula kacay Ozil.
Xiriirka kubadda cagta yurub ee Uefa qaybteeda u qaabilsan anshaxa ayaa la sheegay inay war rasmi ah kasoo saari doonto arinkaan 20 bishaan aan kuguda jirno ee March.
Taageerayaasha xulka qaranka Jarmalka ayaa horay ugu oriyay laacib kaan inkasta oo gadaal laga sheegay in ay ahaayeen taageerayaasha kooxda Bayern Munich wixii ku kacay falkaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada