Wrar Deg-Deg:- Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya oo u soo ruuqaansaday Buulo Burde iyo Isgaarsiinta Beledweyn oo go'an

Wrar Deg-Deg:- Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya oo u soo ruuqaansaday Buulo Burde iyo Isgaarsiinta Beledweyn oo go'an

daajis.com:-Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isugu jira Ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ka wada wadada isku xirta Beledweyn iyo Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dabaabaadka ayaa xalay ka soo baxay magaalada Beledweyn, iyadoo dadka deegaanka ay hadal hayaan dhaq dhaqaaqyadan cusub.

Isgaarsiinta magaalada Beledweyn ayaa hawada laga saaray, intii ay jireen dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ay wadeen ciidamada huwanta, waxaana arrintan ay noqoneysa mid aad uga duwan dhaq dhaqaaqyadii hore.

Warar laga helayo degmada Buulo Burde ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay isaga barakacaan, kadib markii ay ka war heleen dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaa Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo habeenimadii xalay ka soo dhaqaaqay Beledweyn.

Magaalada Buulo Burde ayaa u jirta Beledweyn ilaa 215-KM, iyadoo wadada u dhaxeysa ay tahay wado aan sahlaneyn oo buuro ay ku yaalaan, lama oga ilaa iyo hada halka ay ku sugan yihiin Ciidamada huwanta ee ka ruuqaansaday Beledweyn.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa dagaalo cusub kaga furmeen qaar ka mid ah gobolada dalka oo dhowr degmo gacantooda ka baxday, iyadoo duulaankan ay hogaamineyso Ciidamada Itoobiya oo ka mid noqotay howl galka AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada