Satelit -ka Chine:- Ayaa Helay Sawirro U Muuqda Diyaaradda La La’yahay Ee Malaysain Airline.

Satelit -ka Chine:- Ayaa Helay Sawirro U Muuqda Diyaaradda La La’yahay Ee Malaysain Airline.

daajis.com:-Shiinaha ayaa soo bandhigay sawirro uu qaaday dayax gacmeed, kuwaasi oo badda dul sabaynaya isla markaana muujinaya wax u muuqda in ay yihiin burburka diyaarad laga lahaa dalka Malaysia oo la la’yahay tan iyo sabtigii la soo dhaafay.

Sawirrada oo lagu shaaciyay bar intarneedka ay ku leedahay dowladda Shiinaha, ayaa muujinaya saddex shey oo waaweyn oo dul sabbeynaya badda koonfureed ee Shiinaha.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxyaabo kale oo loo maleeyay in ay yihiin burburka diyaaraddaasi waxa ay noqdeen wax kale.

Sawiraddan ayaa la qaaday maalintii axadda ahayd balse waxaa la shaaciyay shalay oo arbaco ahayd.

Waddamada Vietnam iyo Malaysia ayaa diyaarado u diray goobta sawirradaasi laga soo qaaday si ay u soo ogaadaan waxa ay yihiin waxyaabaha halkaasi lagu arkay.

Diyaaraddaasi oo ka soo duushay Kuala Lumpur isla markaana ku sii jeedday magaalada Beijing ayaa jimcihii la soo dhaafay la waayay saacad uun kaddib markii ay hawada gashay.

Ma aysan jirin wax farriin ah oo laga soo diray diyaaraddaasi oo ay saarnaayeen 239 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada