Vincent Kompany: Rigoore Cad Ayuu Garsooraha Naga Diiday.

Vincent Kompany: Rigoore Cad Ayuu Garsooraha Naga Diiday.

daajis.com:-Kabtanka kooxda Manchester City ayaa ku andaconaya in kooxdisa City laga diiday rigoore cad kadib qalad uu Gerrard Pigue ku galay Edin Dzeko balse garooraha ciyaarta uu tilmaamay inaysan rigoore aheyn, wuxuna Kompany ka dhawajiyay rigooradi laga diiday inay soo gabagabeysay rajadii ay ciyaarta ugu guuleysan lahayeen.

“aniga ahaan, waxey aheyd rigoore cad, wuxu joogay meel uu kubadda ka laadi karay balse waa la jalaafeyay midas ayaa fursada guusha inaga fogeysay, wan ka hadli karnaa garsooraysha lakiin ma garan kartid hadii wax u eg taasi ay ku filnaaneyso inad soo baxdo dhowr jeer wan dhalin karnay taasina si cad ayay ciyaarta wax uga badali laheyd” ayuu Sky Sports ugu waramay Kompany.
“mar labaad anagoo ku ciyaareyna 10 ciyaaryahan rigooradana nalaga diiday, waxan u maleyna inaysan fududeyn xaaladan oo kale inaad wajahdo koox xoog badan, sida cad Messi waa ciyaaryahan cajiib ah, wax walbana wey dhici karaan marka uu kubadda heysto” ayuu hadalkisa ku soo gabgabeeyay Kompany
Manchester City ayaa sidaa ku macsalameysay Champions League kadib markii cawada looga soo adkaaday Camp nou ciyaar ku soo idlaatay 2-1, waxana wadar ahaan City looga adkaaday labadda lug 4-1 oo ay Barcelona ugu gudbutay wareega sideeda Ee Champions League.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada