Dhagayso:- Qaylo Dhaan Kasoo Yeertay Masuuliyiina Sar Sare ee ka Tirsan Ciidamada AMISOM kadib Markii Sir laga Kashifay!!

Dhagayso:- Qaylo Dhaan Kasoo Yeertay Masuuliyiina Sar Sare ee ka Tirsan Ciidamada AMISOM kadib Markii Sir laga Kashifay!!

daajis.com:-Sarkaal ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa marki ugu horeysay waxaa uu ka shifay sir culus oo ku saabsan siyaasada ku aadan joogitaanka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya arintaas oo ayna caro xoogan ka muujiyeen madaxda iyo hogaanka sare ee ciidamada naba ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya. 

Sarkaalkaan ka tirsan ciidamada AMISOM oo aan magaciisa la shaacin laakiinse la sheegay inuu yahay mid ka mid ah ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya gaar ahaana ka mid ah ciidamada dalka Burundi ayaa dhawaantaan wareysi uu siiyey warges ka soo baxa dalka Kenya oo lagu magacaabo Star asaga oo ku sugan magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi waxaa uu sheegay inaysan ciidamada AMISOM jecleyn oo aysan daacadna ka ahayn inay jabiyaan oo ay dalka oo dhana ay ka saaraan kooxda Alshabaab maadaama uu meeshaas ku soo dhamaanaayo mashruucooda dhaqaale urursi ah oo ay ku qaadanayeen la dagaalka maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, Askarigaan ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay asaga ahaantiis xataa inuusan jecleyn in Alshabaab la jabiyo maadaama uu dhaqaale badan ka soo galay joogitaanka dalka Soomaaliya oo uuna damacsan yahay inuu dhaqaalaha u sii socdo laakiin hadii Alshaabaab laga adkaado inay sheekada meesha ku dhamaaneyso taasna ay tahay mid uusan doonayn, Ninkaan ayaa waxaa uu sheegay inuu guri ka dhistey dhaqaalaha ka soo galay joogitaanka dalka Soomaalia taas oo uu sheegay inaysan waligiis u suuro gasheen hadii uusan dalka Soomaaliya u soo xamaali tegin. 





Ugu dambeyntiina iyadoo hadalka kasoo yeeray sarkaalkaas ka tirsan ciidamada AMISOM uu yahay mid cadeyn weyn u ah aragti iyo fikrad ay qabeen qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo ku doodaayey inaysan ciidamada AMISOM aysan daacad ka ahayn la dagaalanka iyo ka xoreynta maleeshiyaadka kooxda Alsbaab dalka Soomaaliya ayaa waxaa arintaas is xoogan u beeniyey afhayeenka ciidamada AMISOM ee dalka Soomaaliya ,Cali Aadan Xumad oo sheegay in askarigaas aan lagu tilmaami karin inuu ka mid yahay ciidamada AMISOM maadaama uu sidaas u hadlay asagoomna sidoo kale wax kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray askarigaas, Laba sano ka hor ayey waxaa ay ahayd markii sidoo kale ay warbaahinta reer galbeedku ay shaaciyeen in mid ka mid ahaa ciidanka Burundi oo ka tirsan ciidamada AMISOM uu sheegay inuusan jecleyn inuu dhamaado dagaalka ka socda dalka Soomaaliya maadaama uu guri qabyo ka yahay oo uu jeclaan lahaa inuu dagaalkaas sii socdo inta uu gurigaas ka dhamastiranaayo, Arimahaan soo baxaayo ayaa waxay calool xumo iyo niyad jab ku yihiin dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatada dagaaladu ay aafeeyeen mudo ka 23 sanadood islamarkaana ku waayey nolol iyo hanti fara badan. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada